HOME | NEWS | FORUM | MAQAALLO | GEDO | FEEDBACK

SIGN/VIEW: GUESTBOOK

logo logo
WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
 

Allgedo Online maxaa loo abuuray?

Kaddib bur-burkii Qarankii Soomaaliyeed, waxay umadda Soomaaliyeed barteen waxyaabo badan oo uu waqtiga ama waayuhu baray.  Waxyaabaha uu dagaalka sokeeye Soomaalida baray halkaan laguma soo koobi karo, hase yeeshee waxaan rabnaa in aan halkaan ku xusno in dagaalkii sokeeye waxyaabaha laga dhaxlay ay ka mid yihiin abuuris websits fara badan oo intooda badan u shaqeeya qaab qabiili ah ama buun-buuniya hogaamiye-yaasha ay isku jifada yihiin.  Haddaba, anaga markaan aragnay in ay umadda Soomaaliyeed naceen qaabkaas foosha xun ee looga turjumayo adeegsiga saxaafadda Qarnigaan 21-aad, dareenayna in ay umadda Soomaaliyeed mudan yihiin in aanan la marin habaabinin, ayaa waxaan abuurnay (sameynay) Website-kaan cusub ee Allgedo Online.  Inkasta oo uu Website-ku wato magac Goboleed, haddana taas macnaheedu ma'ahan in aan golahayaga cid gaar ah kusoo dhaweyneyno, kuwo kalena ku fogeyneyo. 

Nidaamka soo dhaweynta-yada (our welcome policy)

Walaaleyaal, hadduu Ilaah raali ka noqdo, waxaan idiin balan qaadeynaa in aan golahaan idinkugu soo gudbin doono warar aan la buun-buunin oo runta laga sheego iyo anaga oo dhamaan umadda Soomaaliyeed cidii dooneysa in ay nala soo xariirto gacmo diiran kusoo dhaweyneyno.  

 

Ku laabo bogga kore

 

 

 

 

All Gedo Online © 2004 - All Rights Reserved.
contact us at: webmaster@allgedo.com